VIDEO: Madaxweynaha Puntland oo ku baaqay dagaal dhaqaale oo ka dhan ah Al-Shabaab

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka hadlay dagaalka lagula jiro Kooxda Al-Shabaab iyo sida looga guuleysan karo.

Madaxweyne Deni oo ka qeyb-galay Xafladda soo dhoweynta ah oo uu soo agaasimey Guddoomiyaha degmadan Gaarisa Cali Bunow Qorane, looguna qabtay Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya, ayaa sheegay in laga daalay dagaalka dhinaca millateriga ahaa ee lagu jirey, hayeeshee xalka uu ku jiro in loo wajaho dagaal dhinaca Dhaqaalaha  

Waxaa uu sheegay in Madaxda Soomaalida ay dayaceen mas’uuliyada amaan ee dalka,isla markaana qorsho laga soo abaabulo Soomaaliya lagu weeraro Kenya.

Dr. Siciid C/llaahi Deni, Madaxweynaha Puntland ayaa munaasabadan soo dhaweyntaa waxaa ku wehelinaayey Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Madaxweynihii hore ee Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Kenya, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladdaha Xubnaha ka ah DFS, Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale.