Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland iyo Wasiiro gaaray Ceel-buh (VIDEO)

Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Dawladda Puntland,Wasiirka Maaliyadda ahna Gudoomiyaha gudiga dib uhabaynta Ciidamada,Wasiirka Amniga,Wasiirka Waxbarshada iyo Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa si wayn loogu soo dhoweeyay Magaalada Ceel-buh.

Soo dhowaynta waftigan Guddoomiye Cabdirashiid, waxaa ka qayb galay Gudoomiyaha Gobolka sanaag, Maamulka Degmada, Odayaasha dhaqanka iyo Bulshada rayadka ah qayba heeda kala duwan.

Ujeedada safarka Masuuliyiintan ee Magaalada Ceel-buh ayaa salka ku haysa in ay diwaan galiyaan Ciidamada ku sugan Ceel-buh, iyadoona horey ay ugu guuleysteen inay habka Diwaanta galinta Casriga ah ay mariyaan Ciidamada Daraawiishta, Booliska iyo Asluubta ku sugan gobolka sanaag gaar ahaan Degmada Badhan.