Doorashada Madaxweynaha Galmudug ee garabka DFS oo goor-dhaw bilaabanaysa

Waxaaa Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug ka bilaabaysa goor-dhaw Doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Galmudug ee garabka Dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo ay ku tartamayaan 9 musharax.

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa ku qulqulaya hoolka Doorashada, waxaana sidoo kale aad loo adkeeyay ammaanka halka Doorashadu ay ka dhacayso iyo waddooyinka soo gala, iyadoona lagu arkayo Ciidamo ay horey Dowladda Federaalku u geysay.

Musharixiinta Madaxweynaha galmudug ku tartamaya oo gaaraya Afar ayaa waxaa ay kala yiiin, Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor), Cabdiraxman Axmed Sabriye, Axmed Shire Maxamed (falagle), iyo Axmed Cabdullaahi Samater.

Sidoo kale, 5 Musharax ayaa u taagan qabashada xilka Madaxweyne kuxigeenka Galmudug,kuwaas oo lagu kaal Magacaabo, Cali Daahir Ciid, Axmed Yuusuf Warsame (Taajir), Saadaq Cabdullaahi Xaashi, Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey) iyo Cabdi Qani Sheekh Cali Diini.

Doorashada maanta ka dhaceysa Magaalada dhuusamareeb oo ay wado dowladda Soomaaliya ayaa waxaa diidey,Hoggaanka Ahlusunna,Madaxweyne Xaaf iyo Afar Musharax oo aan is diiwangelin,hayeeshee Guddiga doorashada ay sheegeen in maanta la qabanayo.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.