Daahir Geelle: DFS raali kama aha in dadku sameystaan Maamul ay lee yihiin (VIDEO)

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre Siyaasi Daahir Maxamuud Geelle ayaa Madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ku dhaliiley in aysan raali ka aheyn in dadka ay sameystaan maamul ay lee yihiin.

Mr. Daahir Geelle, oo Wareysi siinyey Tv-ga universal ayaa sheegay in Madaxda Dowladda xilligaan awood maamul oo muuqata ka sameyn karin Soomaaliya,isla markaana maamulada qaar ay dowladda weli dacalka heysato.

Waxaa uu tusaalo u soo qaatey doorashadii ka dhacdey Magaalada Dhuusamareeb oo uu sheegay in saamiley farabadan ay isaga hareen,kadib markii ay arkeen sida dowladda u wajaheyso doorashadaas.