Ra’isalwasaarihii Sudan oo qarax ka badbaaday

Ra’iisul wasaaraha Sudan Abdalla Hamdok ayaa isaga oo aanay wax dhibaato ah gaarin ka badbaaday isku day lagu dili lahaa ayada oo qarax la adeegsanayo, sida uu sheegay kaaliyihiisa.

“Qarax ayaa haleelay baabuurka ra’iisul wasaare Abdalla Hamdok, balse Allah mahadiis cidna wax kuma noqon,” ayuu yiri Ali Bakhit oo ah agaasimaha xafiiska Hamdok.

Wasiir ka tirsan xukuumadda Hamdok ayaa sidoo kale xaqiijiyey in ra’iisul wasaaraha uu ka baxsaday weerarka oo ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Khartoum.

Muuqaallo uu baahiyey taleefishinka dowladda ayaa muujinayey laba baabuur oo uu waxyeello gaarsiiyeey qaraxa oo ka dhacay degmada Kober ee waqooyiga bari ee bartamaha Khartoum.

Taleefishinka dowladda waxa uu sheegay in kolonyada Hamdok la beegsaday, hase yeeshee uu iminka “bad qabo loona kaxeeyey goob ammaan ah.”

Qoyska Hamdok ayaa sidoo kale u xaqiijiyey wakaaladda wararka AP inuu “bad qabo oo goob amni ah uu joogo.”

Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa si deg deg ah u gooyey booliska.

Raadiyaha dowladda Omdurman ayaa dhinaca kale sheegay in hubka daran-dooriga u dhaca sidoo kale loo adeegsaday weerarka, islamarkaana Hamdok “loo qaaday isbitalka.”

Hamdok ayaa waxaa ra’iisul wasaare loo magacaabay August 2019 kadib markii dibad-baxayaasha dimoqraadiyad doonka ah ee dalkaas ay ku qasbeen militariga in xilka laga qaado madaxweyne Omar Al-Bashiir bsihii April, laguna beddelo dowlad rayid ah.

AFP