Australia oo xirtay Xuduudeeda

Dowladda Australia ayaa maanta ku dhawaaqday in ay xireyso xuduudaheeda dhamaan aysana soo geli karin dalkan dadka aan heysan dhalashada iyo deganaanshaha.

Taasi macnaheeda waxaa weeye:

Dhammaan dadka aan muwaadiniinta ahayn iyo kuwa aan deganeynba waa laga mamnuucay inay yimaadaan Australia 9-ka fiidnimo ee Jimcaha beri.

Dadkase Australiyaanka ah ee ka soo laabanaya dibedda iyaga way iman karaan laakiin waxaa looga baahan yahay inay gooni u noolaadaan 14 maalmood (guryahooda ay ku jiraan muddo 14 casho ah).

Allaha sahlo…