Video:-Puntland oo bandow lagu soo rogay

Go’aamo wax ku ool ah !!!

Shirkii ay iskugu yimaadeen xalay Gudida Amniga Puntland oo uu shir gudoominayay Madaxwayne Siciiid Cabdulaahi Deni iyo Madaxwane ku xigeenka Axmed Karaash,ayaa lagu go”aamiyay qodobo muhiim ah.

Qodobadaas,ayaa kala ahaa…………

1.Madaxweynaha oo si toos ah ula wareegay hogaaminta amniga.

2- Amaanka guud Puntland oo la adkeeyay.

3- Dhammaan hay’adaha kala duwan ee Dawladda heer walba oo ay yihiin oo la faray in ay xoogga- shaqadooda isugu geeyaan sugidda amniga.

4- Waxaa heegan la galiyay dhammaan ciidamada Dawlada Puntland si ay qayb uga noqdaan qorshaha cusub ee sugida amniga.

5.Waxaa Ciidanka Badda lagu amray in ay hor tagaan ajaanibta saaran Doonyaha Kaluumaysi in ay usoo dhawaadaan Magaalooyinka Xeebaha.

6.Waxaa bandow ka bilaabanaya 1″April 6-Makhribnimo ilaa 5-aroornimo lagu soo rogay guud ahaan Puntland.

8,Waxaa la joojiyay Basaska gudaha Magaalooyinka ka dhex shaqeeya iyo kuwa iskaga kala goosha Magaalooyinka.

9.Waxaa lagu amray Baabuurta yar-yar in aysan 3-Qof ka badan qaadivkarin.

Go’aamadan,ayaa ah kuwo wax ku ool ah oo bulshadu soo dhawaysay xaaladana wax ka badali kara.

Balse waxay bulshadu isha ku haysaa sida loo fuliyo go’aamadan muhiimka ah.

Sidoo kale waxay Bulshadu ka war dhawraysaa oo dhegta utaagaysaa isbadal lagu sameeyo maamulada Gobolada iyo saraakiisha amaanka.

Halkan ka daawo muuqaalka

Jibril Qoobey.