Alshabaab oo ku khasbay Talyihii Saldhiga Booliska Gaalkacyo iscasilaad

Taliyihii Saldhiga Bartmaha Gaalkacyo Dhame Cabdi Jaamac Geeraare ayaa xilkii Iska casilay.

Alshabaab,ayaa ku khasbay in uu iscasilo Talyaha Saldhiga Dhexe ee Booliska Gaalkacyo.

Talye Garaar hal jeer,ayuu ka badbaaday qarax lagu khaaarajin lahaa,waxuuna ugu danbayn ka cidgalay Garowe.

Tiro ka dhawr jeer,ayuu la kulmay Madaxweynaha oo uu gaarsiiyay qayla dhaanta amaanka iyo baahiyaha jira ee ufududeeyay argagixisadu in ay hawlahooda si fudud ufushadaan.

Sida aan xogta ku helay Talyuhu mahelin cid ka hoos qaada ama garawshiiyo ka badan waa dadaalaynaa umuujisa.

Ugu danbayn waaqicigu waxuu ku khasbay in uu iscasilo si isaga iyo qoyskiisu ubadbaadaan.

Talyaha Saldhiga Dhexe ee Gaalkacyo waxuu ka mid yahay dhalinyarada aqoonta Amni leh ee dalka dibadiisa wax lagu soo baray niyadana u hayay u adeegida dadkooda.

Puntland inta ay jirto lacagta laga bakhaylayo ama aan muhiimada lasiinayn arimaha sirdoonka waxay sii ahaan doontaa meel argagixisadu ka adeegato.

Jibril Qoobey.

Halkan ka akhriso