Qarax ka dhacay Gaalkacyo

Saaka Magaalada Gaalkacyo Waxaa kadhacay Qarax kaasoo lala Beegsaday Nin Layiraahdo Abdi Gube Oo kamid ahaa waaxda Canshuuraha.

Cabdi Gube waxaa la sheegayaa in ay Xaaladiisu Culustahay luguhuna Go’een.

Sida xogo horay noosoo gaaray ay sheegayaan argagixisadu waxay bartilmaameedka dhiganayaan shaqaalaha Wasaarada Maaliyada iyo Dowladaha Hoose.

Sida xoguhu sii xaqiijinayaan waxaa fariimo hanjabaad qarax ay gaartay Wasiirka Maaliyada iyo masuuliyiin kale.

Shalay,ayaan sii daayay 3-qarax oo looga baqsan yahay in ay ka dhacaan Puntland.

Jibril Qoobey.