Sidee loosoo afjaray haysashadii D.Hoose Ee Garowe?

25-Gaari oo Tiknika ah iyo 240-askari oo dhamaan fadhiyada Ciidamada laga soo kala qaaday,ayuu Madaxweyne Deni ku amray in ay soo afjaraan haysashadii Dhalinyarada ee Dowlada Hoose Garowe.

Sidoo kale,waxaa la diyaariyay 3-Gawaarida gurmadka deg-dega ah ee Caafimaadka ah,waxaa kaloo heegan la galiyay isbitaalka weyn.

Dowladnimaa xalay muuqatay iyo hogaamin adag oo go’aan qaadasho leh.

Madaxweyne Deni,waxuu iska diiday wax walba oo gorgortan ah,waxuuna ku adkaystay erayga ah” Jiri ergo kama noqonayno”.

Raganimo,waxaa uga haray Deni isku shaandhaynta oo uu soo dadajiyo iyo Maaliyada oo uu dhaafiyo Nimanka suuqa la taagan Madaxweynaha,anagaa samaysanay.

Xaalad abuur aan laga xishoonayn oo ay ku lug leeyihiin dad aadanba umalayn karin si Madaxweynaha loogu sii haysto oo loogu muujiyo in uusan uga maarmin xaalada Gobolka Nugaal mahan wax la aqbali karo.

Go’aankii xalay bogaadin buu mudan yahay.

Jibril Qoobey.