Wararkii ugu danbeeyay ee Dagaalkii Waqdariya

Dagaalkii saakay,wuxuu ka dhacay Deegaanka Waqdariya oo ay hore u qabsadeen Maleeshiyo beesha Muuse Ismaaciil Habar Uoonis kasoo jeeda.

Deegaanka,waxaa iska leh beesha Nuux Cumar ee Warsangeli.

Dhawr jeer baa dagaal ka dhacay dhimasho hore iyo dhaawac ayaa jirey labada dhinacba.

Wadahadal ayaa Ceerigaabo ka socday maalmahan.

Beesha Nuux Cumar waxay ku adkaystat marka hore in meesha laga qabsaday ee Waqdariya laga guuro wayse diideen Beesha Muuse Ismaaciil-Habar yoonis, maamulka Soomaaliland hoosaasin ayey ka sameeyeen arinkaas.

Beesha Nuux Cumar dhawr bilood dagaal ayay u diyaar garoobaysay si ay dhulkooda maqan usoo ceshtaan una difaacdaan inta kale.

Saaka ayey Maleeshiyada Muuse Ismaaciil soo tuureen Xabado,sidaas ayayna Maleeshiyada beesha Nuux Cumar ug jarmaadeen.

Waqdariya dib ayayvu qabsadeen Nuux Cumar.waxay ka gubeen Gaari Tikniko ah, laba kalena way qabsadeen,waxay kaloo ku qabteen Maleeshiyo 6-Nin ah oo sadex dhaawac ay tahay.

Si buuxda Waqdariya waxaa dib ugu qabsaday beesha Nuux Cumar-Warsangeli,waxaa soo gaaray Dhinacooda khasaare dhaawac fudud.

Puntland waxay heegan galisay Ciidankeeda dul fadhiya Yube.
Labada dhinac waxaa ka socda abaabul dagaal,waxaana laga yaabaa in ciidanka Somaliland ee Yube fadhiya uu dagaalka qabaa’ilka galo.

Yube waa Deegaanka ugu weyn ee Nuux Cumar oo Warsangeli ah ay degaan.

Wixii ka soo kordha waan idinla socodsiin doonaa.