Video:-Deni oo jeediyay khudbadii Qaranka

Garoowe: 12, April, 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ahna Guddoomiyaha Guddiga Wacyigelinta iyo Ka hortagga Coronvirus, ayaa caawa ka hadlay dadaalka Dowladdu ku bixinayso ka hortagga Covid-19 iyo doorka looga baahanyahay shacabka oo ah u hoggaansanka awaamiirta looga hortagayo cudurkan, sida bandowga , yareynta isu imaatinka bulsho, xirista goobaha la isugu yimaado iyo qaadka sida dhuumaaleysiga ah marmar kusoo gala Puntland.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn hambalyeeyay sanadguuradii 60-aad ee kasoo wareegatay maalinta asaaska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kadibna wuxuu ka tacsiyadeeyay geerida Wasiiru Dowlihii Wasaaradda Cadaaladda ee Hirshabeelle Alla Ha’unaxariistee Khaliif Muumin oo Muqdisho ugu geeriyooday xanuunka Covid-19.
Intuu ka hadlayey xaaladda Coronavirus iyo Dadaalka Dowladdnimo ee ka socda Puntland oo arrintaasi looga hortegayo , Wuxuu Madaxweynuhu si gaar ah ula hadlay Ganacsatada iyo Culimada oo uu ugu baaqay inay doorkooda ka qaataan dagaalka Dowladdu kula jirto Cudurkan halista ah sidii uusan usoo gaari laheyn Puntland, maadaama siyaasadda Dowladdu qaadatay ay tahay in ka hortagg la sameeyo.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa u mahadceliyey dhammaan warbaahinta Puntland doorka muhimka ah ee ay ka qaateen wacyigelinta iyo fariimahu inay bulshada si wanaagsan u gaaraan.

DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Halkan ka daawo muuqaalka

https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=10158150540856878&id=742346877