Puntland oo beeraleydeeda ka caawinaysa kordhin beerashada Digirta iyo Haruurka (Sawirro)

Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada DPL ayaa magaalada Garoowe ku qabatay Shir looga hadlayay saamaynta cudurka COVID 19 dhanka Sugnaanta cuntada iyo sidii looga taxadari lahaa in Kala xirnaanshiyaha xanuunkan ee guud ahaan dunidu uusan saamayn kuyeelan Cunada Daruuriga ah iyo Waxsoosaarka beeralayda Puntland, Waxaana shirkaan ka qaybgalay qaar kamida haya’adaha bah-waagta la ah Wasaaradda sida WFP,CEFA,KAALO,World vision,UN OCHOA ,SDC iyo FAO.

Shirkaan oo sidoo kalena loo qabtay habka la isku raacsan yahay ee Taxadarka iyo xakamaynta xanuunka COVID 19 waxaa ka qaybgalayaasha shirku intooda badani ay shirka uga qaybgalayeen habka Maqal/Muuqaaladka ah ee khadka isgaarsiinta kaas oo loo qorsheeyey in isla wasaaradda Deegaanku ay qayb ka qaadato fulinta xakamaynta xanuunkan.

Shirkan waxaa laysku af gartay in la laga caawiyo beeralayda Puntland hormarinta waxsoosaarka iyo beerashada dalaga gaar ahaan kiisa wadaniga ah ee haruurka iyo digirta si kor loogu qaado wax-soosaarka beeraha gudaha dalka.