VIDEO: Puntland oo karantiishay 9 qof oo looga shakiyey caabuqa COVID-19

Guddiga diyaar-garowga iyo ka hortagga ee Covid-19 ee Dowladda Puntland, oo soo saaray warbixin maalinlaha aheyd ayaa sheegay in 9 qof oo looga shakiyey caabuqa COVID-19 la karantiiley maanta oo ay taariikhdu tahay 23-ta April 2020.

Wasiirka Caafimaadka Dawladda Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa sheegay in 9 -Qof maanta la karantiilay, isagoona intaas ku daray in tirada dadka laga helay cudurka COVID-19 ay noqonayso 30 qof guud ahaan Puntland .