Kasoo muuqashada Fiqi ee Wasiirada Galmudug oo la yaab noqotay!!!

Axmed Macalin Fiqi Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka,Talyihii NISA ee Dowladii Sh.Shariif,sidoo kale mid ka mid ah raga sida adag uga soo horjeeda Dowlada N&N,ayuu umagacaabay wasiirka amniga Galmudug Qoor-Qoorka Fahad keenay.

Fiqi shaqada loo dhiibay waa Nin yaqaan oo khibrad uleh inkastoo Galmudug aysan awood dhaqaale iyo mid Ciidanba ulahayn sugida amnigeeda aadka udayacan.

Puntland oo daris la’ah Galmudug,ayuu muhiim u yahay Fiqi oo kasoo jeeda beesha Sacad,waxaana laga filan karaa wada shaqayn dhow oo khibrad leh.

Dad badan waxay wax iska waydiinayaan ma Fiqi,ayaa tanaasulay oo Villa-da udhawaaday mise sida suuqa ku jirtay Qoor-Qoor baa kooxda isku laba rogay.

Siday tahayba Qoor-qoor iyo Fiqi waxay ciyaareen Kubad adag oo siyaasadeed.

Jibril Qoobey.