XOG: Taliyayaasha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Booliska oo xilkii laga qaaday

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa lagu wadaa in uu saacadaha soo socda Is-bedel ku sameeyo Hoggaanka Talisyada Ciidanka Xoogga Dalka iyo Booliska, sida ay sheegayaan wararka laga helayo Madaxtooyadda Villa Soomaaliya.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Shabakadda Idil News in Madaxweyne Farmaajo uu xilka ka qaayo Taliyaha Ciidanlka Xoogga Dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raage iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Gen Cabdi Xassan Maxamed Xijaar.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka loo magacaabi doono Sarreeye Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir oo haatan ah Taliyaha Ciidanka Dhulka, wallow aan la ogeyn cida loo wado Taliyaha Ciidanka Booliska.

Is-bedelka lagu sameynayo Talisyada Ciidanka Xoogga Dalka iyo Booliska ayaa noqon doono kuwii 4-aad ee uu ku sameynayo Madaxweyne Farmaajo, iyadoo la xasuusto in Madaxweynayaashii ka horeeyay uu ku dhaliili jiray Is-bedelada Hoggaanka Ciidamada.