Xuska maalinta duumada oo lagu qabtay Garoowe (Sawirro)

Munaasabad lagu xusayo Maalinta Duumada adduunka oo maanta oo kale dunida lagu xuso ayaa lagu qabtay magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland, waxaana ka qeyb-galay Masuuliyiin katirsan Wasaaradda Caafimaadka iyo Hay’adaha caalamiga ah.

Madaxa ka hortaga iyo Xakamaynta Duumada ee Wasaarada Caafimaadka Puntland Dr Cabdikariin xuseen Xasan, oo ugu horayn madasha ka hadlay ayaa sheegay in munaasabadan oo sanadkiiba maanta oo kale bulshada lagaga wacyi galiyo khatarta cudurka laguna baraarujiyo sidii ay uga hortagi lahaayeen Covid19 awgiis aysan surtagal ahayn in dad badan laysu keeno oo la wacyi galiyo, taas badalkeedana ay warbaahinta u marinayaan bulshada wacyi galinta cudurka la xiriira wuxuu sheegay in munaasabadaan awgeed ay wadaan wacyi galin baaxad leh oo bulshada warbaahinta loo marinayo isla markaana casharada Ardayda dugsiga sare iyo dhexe oo wasaarada waxbarashadu warbaahinta u marinayso ay ku dareen fariimo wacyi galin ah oo isugu jira Covid19 iyo Malaariyo.

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan, ayaa sheegay in wacyi-galinta maanta muhiim u tahay ka hortaga iyo xakamaynta cudurka duumada, isagoo tilmamaay in musiibada Covid-19 ee dunida ku faaftay dhibaato ku noqotay la dagaalanka Cuduradii kale oo lagaga mashquulay, waxuuna ku bogaadiyey waaxda duumadu shaqada balaaran ee ay ka wado la dagaalanka cudurka.