Ciidanka Amniga Puntland oo gacanta ku dhigay xubno kamid ah Al-Shabaab & Daacish.

Ciidanka amniga Dowladda Puntland ayaa gacanta ku dhigay xubno katirsan kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish, kaddib howlgallo ay ka sameeyeen magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Saraakiisha laamaha amniga Puntland ayaa sheegay in Ciidanku ay gacanta ku dhigeen Saddex xubnood oo kamid ah kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaas oo kamid ahaa shabakado la fashiliyay oo ku dhuumaaleysanayay magaalada Boosaaso.

Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya in Ciidanku fashiliyeen dilal qorsheysan iyo weeraro la doonayay in lagu dhibaateeyo amniga Boosaaso, kuwaas oo xogohooda Ciidanku ay hayeen.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.