VIDEO: Maamulka Gobalka Nugaal oo amaro culus soo saaray

Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cawil Axmed Maxamed Jabuuti ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Amniga Gobolka Nugaal, kaas oo looga hadlay dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Garoowe.

Shirkan oo ka qabsoomay guriga Gobalka ayaa intii uu socday diirada lagu saaray weeraro is xigay oo lagu qaaday Saldhiga Booliska Gobalka Nugaal iyo xarunta shirkadda Somtel oo laga dhacay Lacag fara-badan, waxaana laga soo saaray qodobo lagu adkaynayo amniga gobolka Nugaal.