Madaxweyne Deni oo magacaabay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyadda

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 42 ee May 14, 2020 ku magacaabay Taliyaha iyo Taliye ku-xigeenka Ciidamada Madaxtooyada ee Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay : Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.

Markuu arkay: Dadaalkooda iyo Kartidooda Ciidanimo oo ay muujiyeen.

Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo in isbedel lagu sameeyo Taliska Ciidanka.

Wuxuu xeeriyey:

1.Waxaa G/Sare Cusmaan Cumar Maxamed loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada.

  1. Waxaa G/Sare Cabdirisaaq Axmed Cali loo magacaabay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Madaxtooyada

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa Markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

=DHAMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND