VIDEO: Madaxweyne Farmaajo oo baaq u diray Dhalinyarada Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Dhallinyarada Soomaaliyeed u diray Farriin ku saabsan Sannad-guurada 77-aad ee Aas-aaskii Golihii Dhallinyarada Soomaaliyeed (SYL) ee horseeday xornimada dalka ayaa dul istaagay tilmaamaha furaha u ah guusha ay gaarsiiyeen dalka 13-kaas dhallinyarada ahaa oo baal dahab ah kaga jira sooyaalka shacabka Soomaaliyeed.