Faallo:-karaash xaq buu uleeyahay amaankiisa in lagala tashto

Madaxweyne ku-xigeenka in lagala tashto saraakiisha amnigiisa masuulka ka ah waa sharci uusan dhaafi karin Madaxweynuhu,sidaa waxaa qaba haldoorka reer Puntland.

Sababtu waxay tahay labada sarkaal,ayaa masuul ka ah amniga Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka,iyagaana xukuma ciidanka ilaaliya labada masuul.

Talye xigeenka sarkaalka loo magacaabay waxuu beel ahaan kasoo jeeda jifi kale oo aan ahayn tan Madaxweyne xigeenka,taasoo ah (Qayaad)

Sarkaalka,ayaa ku dhashay kuna koray reer Abti-na ay uyihiin reer Garowe.

Sidoo kale Sarkaalka amniga Madaxweyne xigeenka loo dhiibay,ayaa wuxuu ka mid ahaa askartii Guriga Ina Qawdhan ilaalinaysay.

Ina Qawdhan waa Ninkii kooxda Aaran uwadatay Madaxweyne xigeenka,isla markaana nux-nuxda hoose sheegto in lagu badali doono Karaash mar ay noqotoba.

Madaxweynaha iyo M-kuxigeenku waa labo siyaasi la tashi la’aanta saraakiishooda amniga waxay abuuraysaa shaki shirqool.

Madaxweyne Deni haduu amnigiisa ku aamini waayay qof aan Bah-dhulbahante ahayn maxaa Karaash udiidaya in uu kiisana ku aamini waayo Sarkaal aan ahayn Naaleeye Axmed.

Doodaas waa uhakaday si walba oo Karaash dastuurka ubaalmaray

.Jibril Qoobey.