Golaha amaanka oo Farmaajo ku amray in uu hor fariisto D.Goboleedyada

Golaha amaanka,ayaa ku amray Farmaajo in uu qabto shirkii Dowlada dhexe iyo Dowladaha xubnaha ka ah.

Xoghayaha guud ee qaramada midoobey oo warbixintiisii joogtada ahayd ugudbiyay golaha,ayaa si caro ka muuqato waxuu ugu in aan la ogolaan karin Somaliya oo dib ugu laabata xaaladii adkayd ee ay horay usoo martay.

Sidoo kale wakiilka Qaramada midoobey Swan oo isna golaha ka hadlay waxuu wax laga xumaado ku tilmaamay xal uhelid la’aanta khilaafka Dowlada Fadaraalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah.

Golaha amaanka waxuu kaloo cusboonaysiiyay joogitaanka Ciidamada Amisom ee Somaliya.

Bishan dabayaaqadeeda waxaa soo baxaya go’aan qaramada midoobey ay ka qaadatay xaalada Somaliya.

Hadalka kasoo baxay golaha amaanka waxuu niyad jab ku yahay Madaxweyne Farmaajo oo quudaraynayay in uu si iskiis ah usamaysto mudo kororsi.

Jibril Qoobey.