WAX KA OGOOW QORSHAHA FARMAAJO EE XUBNAHA MATALAYA GOBOLKA BANAADIR EE AQALKA SARE LOO QORSHEEYEY.

MW Farmaajo oo isticmaalaya Guddoomiyayaasha labada aqal ee Mursal iyo Xaashi ayaa guddoomay xog uu u geeyey Ibrahim Yaroow oo guddoomiye ka ah guddiga loo xilsaaray maqaamka Banaadir.

Xalay ayaa Farmaajo iyo Fahad Yaasiin waxay guddonka ku wargeliyeen sida ay u rabaan xilalkaas in loo qaybiyo maadaama la yiri madaxda sare ayaa go’aan ka gaaraysa waxaana ay u qoreen sidan:-

1- Puntland Farmaajo waxaa uu ka keensan doonaa Cabdi Siciid oo Majeerteen ah haatanna lataliye amni u ah Farmaajo.

2- Galmudug waxay isla garteen Fahad iyo Farmaajo in Cabdiwaal oo Habargidir Ceyr ah laga keeno maadaama ay rabaan inuu dagaal la galo oo uu mooryaan u abaabulo.

3- Hirshabelle wuxuu Farmaajo ku adkeystey in laga keeno Cali Maxamed Geeddi oo Abgaal ah halka Fahadna uu la rabay kursigaas Salaad Cali Jeelle oo aakhirkii looga tala badiyay.

4-Banaadir waxaa la siinayaa beesha shanaad oo uu matali doono isla Fahad Yaasiin oo haddii kursiga ay waayaan NN la isla gartay inuu xasaanad uu ku gambado ka dhigto.

5 Koonfur Galbeed waxaa laga keenayaa Cali Fiqi oo dhawaan Farmaajo uu geystay guddoonka barlamaanka maamulkaasi oo tunni ah.

6-Jubaland ayaa laga keeni doonaa Kulane oo Jiis Mareexaan caan ku ah kuna qabiil ah Madaxweynaha oo beesha mareexaan kasoo jeeda haatanna NISA xla xukuma Fahad.

7- Somaliland ayaa waxa laga keeni doonaa Siyaad Maxamuud Shire oo dhulbahante ah, iyagoo isaaqana lagu qancin doono in weli aysan dowladda Federaalka kusoo biirin maamulkaas oo dadka la degan laga siiyay.

Mahdi Khadar oo arrinta Somaliland ka xanaaqay ayaa lagu qanciyay in xisbiga NN looga dhigay guddoomiye, loona balanqaaday in xildhibaan lo xoogi doono, dhaqaala waalanna la siin doono.

Fulunta qorshahan ayaa waxaa loo xilsaaray Fahad Yaasiin iyo Kheyre oo abaabuli doona maleeshiyo hubaysan oo cidii buuq keenta lagu handadi doono ayna suuragal tahay in dagaal sokeeye ay ka kiciyaab Muqdisho.

Wixii soo kordha naga fisha dhawaan.