Video:-Dhalinyaro Safiirka Cumaan ku xayiray Cumaan oo Bosaso soo gaaray

Dhalinyaradan mudo,ayay ugu xirnaayeen Cumaan arimo la xariira Burcad Badeednimo.

Hadaba markii lasii daayay oo Waxgaradkii Jaaliyadu udadaaleen una diyaariyeen tigidho iyo anba bax waxaa jid gooyo cad udhigtay Safiirka Safaarada Somalida ee Cumaan.

Dhalinyaradan waxay intooda badan kasoo jeedaan Puntland sii dayntoodana waxaa dadaal dheer galiyay Dowladihii kala danbeeyay ee Puntland.

Safiirku dhalinyaradan sii dayntooda si cad,ayuu uhor ustaagay isagoo warqad uqoray Dowlada Cumaan,taasoo kaliftay in dib loogu celiyo Xabsigii.

Dadaal dheer oo ay galeen haldoorka jaaliyada mudo kadib,ayaa dib loogu guulaystay in lasoo daayo dhalinyarada lana soo anba bixiyo.

Safiirka halka ujeed uu ka duulayay oo uu udhibaateeyay dhalinyaradaas waa in ay kasoo jeedaan Puntland.

Sigaar ah,ayuu ubartilmaameedsada Bulshada Somaliyed ee Puntland kasoo jeeda.

Sida aan xogta ku helay Safiirka Safaarada Somalida Cumaan waa Nin ay isku hayb hoose yihiin Fahad Yaasiin.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka