Dowlad Goboleedyada oo ka hor yimid Xeerarka doorasho ee Baarlamaanka horyaala

Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka,ayaa la filayaa in ay beri soo saaraan Warsaxaafadeed ay uga soo horjeedaan Afarta xeer ee ay soo gudbiyeen Guddiga wadajirka dhameystirka, gaar ahaan xeerka Kuraasta Baarlamaanka ee loo wareejiyay Gobolada.

Wada hadalo khadka taleefoonka ah oo labadii habeen ee la soo dhaafay dhex marayay Madaxda dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka ayay uga hadleen sidii ay go’aan mideysan uga qaadan lahaayeen afarta xeer ee Guddiga wadajirka ee dhameystirka Xeerarka doorashooyinka u gudbiyeen Baarlamaanka oo hada doodiisa lagu guda jiro.

Shalay waxaa Xeerarkan iyaguna ka hor yimid Xisbiyada Muqdisho waxayna soo saareen War Saxaafadeed ay ku diidan yihiin.

Dhamaadka sanadkan Somaliya waxaa ka qorshaysan in doorasho Baarlamaan iyo Madaxweyne ay ka dhacdo.

Madaxda Dowlada Fadaraalka ah,ayaa abaabulanaya nidaam doorasho oo u sahli kara in ay helaan fursad dib usoo laabasho.

Jibril Qoobey.