Saacadihii RW Khayre la waayay!!

Waa xili Habeenimo sida qorshuhu ahaa Madaxweyne Farmaajo beri aroortii,ayuu dib ugu laabanayaa Muqdisho.

Waxay ahayd in waftiga Dowlada Fadaraalku kulmo oo kala warqaato talana laysa siiyo.

Halmar,ayaa Khayre la waayay telkiisii waa xiran yahay Hotel-kiina ma joogo.

Shaki,ayaa abuurmay waxaa dhanka kale la garaacay Telkii Muuse Biixi mise isaguna waa hawaduu ka maqan yahay.

Ergadii Fadaraalka mid ka mid ah,ayaa Madaxweynuhu dirsaday si loo hubiyo Muuse meesha uu joogo,balse waa lasoo waayay xogtiisa.

Ugu danbayn 3-saac kadib waxaa la ogaaday in Khayre iyo Muuse Biixi casho layskugu geeyay oo ay kulan dheer yeesheen.

Lama hayo ilaa iyo hada waxay kawada hadleen Muuse iyo Khayre.

Farmaajo subaxii,ayuu soo baxay isagoo caraysan diidayna in Khayre loo soo daayo habeeninadii oo uu mar danbe yimid.

Maxaa ka qabsaday Farmaajo Jabuti!!!

Jibril Qoobey.