Golaha Shacabka wax maka badali karaa Aqalka-sare??

Golaha shacabka Fadaraalka sida uu saamayn ugu yeelan karo Aqalka-sare shaqadiisa waa mid…

In Dastuurka wax laga badalo oo Xildhibaano gaaraya 220 ucodeeyaan kadibna Aqalka-sare ku raaco sidaana marka danbe Madaxweynuhu ku saxiixo sharcina ku noqdo.

Balse Labadii Aqal oo kala taagan iyo Dastuurkii oo aan dib loo furin Golaha shacabka kaligiis waxba masoo kordhin karo.

Ujeedka Farmaajo”

4-tii sano ee la doortay waa ku fashilmay hogaamintii.

Markii hore qorshe lama imaan shaqadii taalayna waxba kama qaban..

1.Ka shaqaynta dib uheshiisiin Siyaasadeed

2.Ka shaqaynta amniga

3.Ka shaqaynta Arimaha Bulshada

4.Ka shaqaybta Dhaqaalaha.

Dhamaan qodobadaas wax la taaban karo waxuu ka dhaqaajiyay dhaqaalaha oo uu Miisaaniyada kordhiyay Baanka Aduunkana la shaqeeyay.

3-Qodob ee kale waxba kama taaban,isagoo taa ka duulaya una jeeda in xiligii ka dhamaaday,ayuu rabaa in uu ka Sinaysto oo wax ka taabtaabto si uu ugu doodo waxbaan dhaqajiyay.

Arinka qoondada Gobolka Banaadir waxuu ka mid yahay arimaha muhiimka ah ee uu rabo in uu yiraahdo waxbaan ka qabtay.

Isku soo wada duuboo Farmaajo waa fashilmay wakhtiguna waa ka dhamaaday shaqadii taalayna waxba kama qaban ka sinaysigiisuna macno usoo kordhin mahayo.

Jibril Qoobey.