Faahfaahin Hawlgalada Gaalkacyo ka socda

Xalay goobta Ciidanku galay waxay Saldhig u ahayd kooxo isbiirsaday oo ka ganacsada Maandooriyayaasha.

Kooxahaasi hal qabiil mahan ee waa isbahaysi Sharwadayaal ah oo xumaanta nolol ka dhex raadiya.

Majeerteen,Mareexaan,Leelkase,Shiikhaal,Dir iyo Madhibaan ayay iskugu jireen Kooxaha Warshada Galayda ku lahaa Suuqa caanka ahaa iibinta Mukhaadaraadka loona yaqaanay (7-Cadaabood).

Saakay waxa fawdada sameeyay oo sida gaadmada ah kusoo weeraray Bar Kayntarool oo Ciidanka Madaxtooyada ah waa kooxahaas xalay lakala cayriyay ee isbahaysiga mukhaadaraadka.

Ciidanku waxuu kaloo saakay subixii hore galay Warshada Kabida oo iyaduna ah fariisin kale Mukhaadaraadka lagu gado.

Sidoo kale Ciidanku waxay galayaan Jiiro Garoob,Saldhiga Miir iyo goobo kale oo xarumo u ah iibinta Mukhaadaraadka.

Dadku waa in ay baraarugsanadaan oo ay Ciidanka gacan ku siiyaan la dagaalanka kooxahaas khatarta ku ah.

Jibril Qoobey.