Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Dhuusamareeb (VIDEO)

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmaajo, iyo Wafti uu hoggaamiyo ayaa goor-dhaweyd gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Ra’iisul
Wasaaraha XFS Xasan Cali Khayre, Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed, Masuuliyiin iyo Qaar kamid ah Shacabka Caasimadda Galmudug.

Sidoo kale, Waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay gaaraan Dhuusamareeb Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo iyagu kala jooga Magaalooyinka Garoowe iyo Cadaado.

Mr. Farmaajo ayaa Magaalada Dhuusamareeb uga qeyb-galaya Shir u dhexeeya Madaxda DFS iyo Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah DFS, kaas oo furmaya berrito loogana hadlayo Arrimaha Doorashooyinka Dalka, maadama Guddiga Doorashooyinka Qaranka ay sheegeen inay ku fashilmeen Doorasho qof iyo cod ah oo ku dhacda waqtigeeda.