Madaxweyne Farmaajo oo maanta tagaya Dhuusa-mareeb

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa gelinta dambe ee maanta tagi doona magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Galmudug, halkaas oo uu kaga qeyb-galayo Shirka Madaxda Dowladda Federaalka iyo Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah DFS.

Wafti horu-dhac u ah iyo Ilaalada Madaxweyne Farmaajo ayaa gaaray magaalada Dhuusa-mareeb, iyadoona lasii adkeeyay amniga magaalada oo dhowaan uu kusoo idlaaday Shirkii Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah DFS.

Shirka ka dhacaya magaalada Dhuusa-mareeb oo ay iclaamiyeen Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada, ayaa looga hadli doonaa Arrimaha Doorashooyinka DFS, maadama Guddiga Doorashooyinka Qaranka  in aysan qaban Karin Doorasho qof iyo cod ah oo waqtigeeda ku dhacda.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News