Madaxweyne Deni oo gaaray Dhuusa-mareeb.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor-dhaweyd gaaray magaaladda Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Madaxweyne Deni ayaa magaalada Dhuusa-mareeb uga qeyb-galaya Shirka Madaxda DFS iyo Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah DFS, kaas oo looga hadlayo arrimaha Doorashooyinka Dalka 2020 – 2021.

Shirkan ayaa daba socda Shirkii Wada-tashiga Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada ee dhowaan lagu soo gaba-gabeeyay Dhuusamareeb, waxaana xalay ku hoyday Magaaladaas Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Ra’iisulwasaare Kheyre iyo Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Galmudug, Jubbaland, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed.