Boqor Burhaan Boqor Muuse oo baaq u diray Madaxda Soomaalida ee jooga Dhuusamareeb (VIDEO)

Boqor Burhaan Boqor Muuse, oo ah Boqorka beelaha Daarood oo Warbaahinta la hadlay ayaa Masuuliyiinta kala duwan ee ka socda DFS & Dowladaha xubnaha ka ah DFS ugu baaqay inay wax wanaagsan kasoo saaraan shirka uga bilaabmay Dhuusa-mareeb, maadaamada ay shacabku indhaha ku hayaan, rajo wayna laga qabbo.

Boqor Burhaan ayaa kula dardaarmay dhinacyadda kala duwan in ay isu-tanaasulaan oo ay u diir-naxaan shacabka Soomaaliyeed ee dhiban, isagoona ku bogaadiyay Madaxweynaha Galmudug gogashan uu u dhigay Labada dhinac.

Ugu dambeyntii, Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa ugu baaqay Warbaahinta iyo Dadka baraha bulshada isticmaala in waxa wanaagsan la baahiyo, lagana dheerado waxyaabaha dadka iska horkeenaya.