Ciidanka PSF-ta oo howlgallo ka wada Buuraha Cal-madow

Ciidanka PSF-ta Dowladda Puntland ayaa howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka argagixisada ah ee Al-Shabaab ka wada buuraha Cal-madow ee Gobalka Sanaag.

Ciidanka PSF-ta oo howlgaladooda ku beegsanaya goobaha ay ku dhuumaleysanayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab, ayaa burburiyay goobo gabaad ay ka dhiganaysa Argagixisada, iyagoona sidoo kale gacanta ku dhigay saanad iyo hub ay ka carareen.