WAR DEG DEG AH: Ciidanka PSF-TA Puntland iyo Daacish oo ku dagaalamaya Buuraleyda Isku-shuban

Wararka ka imaanaya Gobalka Bari ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeya Ciidanka PSF-ta Dowladda Puntland iyo Maleeshiyaadka Daacish uu ka socdo Buuraleyda ku xeeran Degmada Isku-shuban ee Gobalkaas.

Dagaalka oo ah mid culus, ayaa la isku adeegsanaya hubka noocyadiisa kala duwan, Dadka Degaanka Timirshe oo hoos-taga Degmada Isku-shuban ayaana kusoo waramaya inay maqlayaan dhawaqa Rasaasta.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.