Qatar oo Malaayiin dollar ka dejinaysa Muqdisho.

Dowladda Qatar ayaa maanta lagu wadaa inay keento Lacag Malaayiin dollar ah oo ay doonayso inay ku kala furto Dowladaha xubnaha ka ah DFS, ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Lacagtan oo uu dalbaday Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji, ayaa la doonayaa in la siiyo qaar kamid ah Madaxda Dowlad Gobaleedyada ee aadka u nugul.

Wararka ayaa sheegay in Madaxda Dowlad Gobaleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed uu lasoo xariiray saacadaha soo socda Fahad Yaasiin, kana dalbaday in loo hiiliyo Madaxweyne Farmaajo, ayna qaataan min 11 Milyan oo dollar.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Galmudug iyo Hirshabelle ay ka biyo diideen beeca uu u soo bandhigay Fahad Yaasiin, wallow aan laga war heyn Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.