Muqdisho: Ciidamo jirdil u geystay Guddoomiyaha Degmada Warta-nabadda

Ilaaladda Aqalka dowladda Hoose ee Muqdisho ayaa jirdilay u geystay Gudoomiyaha degmada Wartanabada Saynab Maxamuud Warsame Sidda Risaala ay u xaqiijiyeen xubno ka mid ah maamulka degmada Wartanabada.

Saynab ayaa la sheegay in jirdilka loo geystay uu sababay in Isbitaal ku yaalla Muqdisho loola cararo, kaddib markii ay jabtay feer, islamarkaana dhaqaatiirta isbitaallada ay sheegaan in xaaladdeeda aysan wanaagsaneyn.

Jirdilka ayaa ka dhacay Afaafta hore ee Aqalka dowladda Hoose ee Muqdisho ka dib markii ay isku dhaceen Ciidamada Ilaaladda Gudoomiyaha iyo sidoo kale Ilaaladda xarunta gobolka Banaadir.

Gudoomiye Saynab ayaa hal sano ka hor Sanadkaan oo kale ku dhaawacantay Qaraxii ka dhacay Xarunta gobolka Banaadir.