Guddoomiye Gacal oo ka hadlay mooshinka la sheegay in laga diyaarinayo

Guddoomiyaha Baarlamanka Maamulka Galmudug Maxamed Nuur Gacal ayaa beeniyay abaabulka mooshin ay wadaan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka.

Guddoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay in warkaasi uu yahay mid been abuur ah, islamarkaana loo baahan yahay in warkaasi la iska hubiyo.

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Galmudug, ayaa la sheegay in ay wadaan Abaabulka Mooshinka,kadib markii ay Guddoomiyaha ku eedeeyeen Qodoba dhawr ah, inkastoo uusan weli si rasmiya bannaanka ugu soo bixin Mooshinka.