Puntland oo xaqiijisay kiisas cusub oo COVID-19.

Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa shaacisay in maanta la diiwaan-geliyay 2 kiis oo cusub oo la xariira cudurka COVID-19, kaddib baaris lagu sameeyay 37 oo looga shakiyay cudurkan safmareenka ah.

Dadka cudurka laga helay oo da’dooda udhaxaysaa 24 illaa 38 sano jir, ayaa kunool magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland.

Tirada guud ee dadka xanuunka laga helay gudaha degaanada Puntland ee uu shaybaarku xaqiijiyey, ayaa hada gaartay 369 qof, halka ay u dhinteen 9 qof, waxaana ka bogsaday 187 qof.