Khasnadda dakhliga D/hoose ee Gaalkacyo oo Haawaneysa, yaase lunsaday lacagtii ? (Warbixin)

Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug Jabarti Cabdul Maxamed, ayaa shaqo joojin lagu sameeyay, kaddib markii lagu helay eedeymo Musuq-maasuq ah iyo ku tagri fal hantidii Dadweynaha ah.

Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Gaalkacyo oo shaqada ka joojiiyay Xoghayaha, ayaa sheegay in shaqo joojintiisu ay timid kaddib markii uu soo xareyn dakhligii Dowladda Hoose, sidoo kalena Isbedel ku sameyn waayay qaadayaasha Canshuuraha Degmada.

Hadaba Maxaan ka ognahy Jabarti Cabdul Maxamed ?

Jabarti Cabdul, oo ah nin dhalinyaro ah ayaa tan iyo intii xilkan uu qabtay hoyi ahaan u deganaa Hotelka Sugule oo habeenkii uu ku seexdo $40, Cuno ahaana ku bixiyo $45, iyadoona celcelis ahaan Hotelkan bishii uu ku kharash gareeyo $3500 oo dollarka Mareykanka ah. Sidoo kale Jabarti ayaa wata Geeri uu ku kireystay bishii $600 oo dollar, taas oo la macno ah ku tagri fal Hantida Dadweynaha ah, maadama Mushaarka iyo Gunadiisu aysan ka badnay $500 oo dollar.

Jabarti oo ay saaxiibo dhow ay yihiin Duqa Degmada Gaalkacyo, ayna wada adeegtaan ayaa si uu u suura-geliyo lansashada dakhliga kasoo xarooda canshuuraha ay qaado Dowladda Hoose ee Gaalkacyo joojiyay in khasnada Degmada lagu shubo lacagta, isagoona Isbedel ku sameeyay shaqaalaha dakhli aruurinta oo uu geeystay xubno ay isku beel yihiin iyo saaxiibo uu ku kalsoon yahay inay u fulinayaan qorshihiisa.

Sidoo kale, Xoghayaha shaqada laga joojisay ayaa loo heystaa inuu lunsaday mushaarkii Ciidanka iyo shaqaalaha Dowladda Hoose ee Gaalkacyo, isagoona 3 biloodba bil dalxiis u aada Magaalada Addis Ababa, halkaas oo uu ku maqnaado muddo ka badan bil.

Waxgarad iyo Odayaal ay isku beel yihiin Jabarti ayaa hadda dadaal ugu jira sidii loogu fasixi lahaa shaqada Xoghayaha D/hoose ee Gaalkacyo oo haatan la liicaysa Maamul xumo baahsan iyo lansashada hantida Dadweynaha, iyadoona D/hoose ay awoodi weyday bixinta lacagaha yar ee Degmooyinka uga soo aada kabida Mashaariicda hormarinta Degmada oo uu kamid yahay JPLG.