Xil. Cosoble “Ra’iisul wasaare walba oo dalkaan la keeno wa inuu doorasho waqtigeeda ku qabtaa” (VIDEO)

Xildhibaan C/qaadir Cosoble, oo khudbad ka jeediyay Shirweynaha Beelaha Mudulood ayaa ka hadlay xaalada dalka, isagoona sheegay in loo soo jeediyay inuu Ra’iisul Wasaare noqdo.

“Waxaa la ii soo jeediyay in aan Raisul Wasaare noqdo, mansab kasto oo aan umadan wax ugu qabanaayo diyaar ayaan u ahay, laakiin waxaan rabaa in Ra’isal wasaare walba oo dalkaan la keeno C/Cosoble xitaa haduu ahaado wa inuu doorasho waqtigeeda ku dhacdaa dalkaan doorashadiisa wa muqqadas” ayuu yiri Xildhibaan Cosoble.

Sidoo kale, Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble ayaa ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo inuu saxiixo 13 kursi ee Aqalka Sare laga siiyay Gobolka Banaadir.

“Golaha Shacabka waxaa ay ansixiyeen in 13 kursi laga siiyo Gobolka banaadir, waxaa leenahay Madaxweyne Farmaajo weli agtada ayay yaallaan, ee saxiix si bulshada Banaadir xaqooda u helaan”