Maku saxan yahay Deni ka baaqashada Dhuusamareeb??

Aragtida Madaxweyne Deni waa mid ka saraysa inta shacabka caadiga ah fahmi karo ama xog ogaalka ka yahay.

In Madaxweynuhu sooo jeediyo tagista Dhuusamareeb xiligan in aan lagu deg-degin waa loo baahnaa.

Farmaajo waxuu rabaa in awoodda Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka uu meesha ka saaro oo si majara habaabin ah Baarlamaanka u awood siiyo si ay ugu fududeeyaan mudo kororsiga doorashadana uga dhigaan midda uu rabo.

Baarlamaanka waxaa dhalay Shacabka Deegaamada Dowlad Goboleedyadu maamulaan ku nool,hadii mudo sharciyeedkii ka dhamaadana,iyagaa dib usiin kara mudo kale.

Balse aragtida Farmaajo ee oranaysa idinkaa sharciyada leh oo asalkii Dowladnimada ah waa majaro habaabin uu Awrkiisa ku kacsanayo.

Tagida Farmaajo ee Dhuusamareeb waxay ku timid qoorqabad beesha caalamku ku samaysay ee mahan mid ay keentay masuuliyad uu dareemayo.

Ka hor inta aan la tagin Shirka Dhuusamareeb waxay ahayd in Gudigii Farsamada ee la dhisay uu fariisto isla Dhuusamareeb oo shaqo galo soona diyaariyo qorshayaal 15-ka laysla lawada go’aamiyo.

Balse wax walba oo lagu balamay waa la daba maray,isla markaana Xukuumadii hawsha waday ee heshiiska qaybta ka ahayd meesha waa laga saaray.

Muhiimadu waa in cadaadis intaan ka xoog badan la saaro Farmaajo oo Dhuusamareeb-3 macno loo yeelo.

Dhuusamareeb In hada la tago waxay ka dhigan tahay in Farmaajo loogu alalaaso qorshihiisa.

Jibril Qoobey.