Madaxweyne Axmed Madoobe oo kusoo wajahan Garowe

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo wafti uu hogaaminayo,ayaa kusoo wajahan beri magaalada Garowe caasimada Puntland.

25-ka bishan oo ay maalini naga xigto,waxaa ka dhaci doona Garowe Shir ku saabsan doorashada Dalka.

Kulankii Dhuusamareeb-3 ee dhicisoobay kadib waxaa jira dhaqdhaqaaq xoog badan oo lagu qorshaynayo in lagu qabto kulan kama danbays ah oo lagu go’aamiyo hanaanka doorasho ee Somaliya.