Maxaad kala socotaa khasaaraha ka dhashay dab ka-kacay dhowaan Bacadweyn ? (Sawirro)

Maamulka Degaanka Baacadweyn ayaa waxa uu gudi u saaray in qiimayn ku soo sameeyaan khasaarihii ka dhashay Kaalin shidaaal oo ku gubatay deegaanka Baacadweyn ee gobalka Mudug.

Tirada Dadka waxyeelada Gubashada ah ay soo gaartay ayaa sii kordhay waxa ayna gaareen ilaa 25 qof oo u Badan Dad danyar ah kuwaas oo isku Xilqaamay sidii ay u Damin lahaayeen Dabka Qabsaday Kaalin Shidaal oo ku gubatay degaanka Bacaadweyn.

Gudiga loo xilsaaray qiimaynta khassaaraha Rasimiga ah ee ka dhashay gubashada Kaalinta Shidaal ayaa waxa ay sheegeen in Hantida ku gubatay Kaalintaas lagu qiimeeyay $17,000 oo dolar.

Dhan kale, Degaanka Bacaadweyn waxaa gaaray Wafdi ka kala socday Ururada Haweenka dhalinyarada Sama Falayaal iyo Saxaafada kuwaas la kulmay gudiigii loo xilsaaray Caawinta Dadka ku dhawacmay Kaalinta Shidaal ee Gubatay.

Maamulka Degaanka, Gudiga loo xilsaaray ugur mashada Dadka dhawacyada ah iyo Gudoomiyayaasha Ururada Haweenka dhalinyrada iyo Samafalayaasha ayaa waxa ay si Wad jir ay ugu Baaqeen in loo istaago sidii loo Caawin lahaa Dadka dhawacayada ah oo qaarkood la sheegay in ay aad u liitaan.