Garsoorayaal kamid ah Maxkamadda CQS ee Puntland oo xabsi loo taxaabay

Ciidammada Amniga Dowladda Puntland ayaa xalay xabsiga u taxaabay Gudoomiyihii Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Gobolada Mudug iyo Cayn Gaashaanle Sare Aweys Abdullah iyo Labo kamid ah Garsoorayaasha Maxkamadda.

Labada Garsoore ee lala xiray Guddoomiyaha ayaa magacyadooda lagu sheegay Cabdulkadir Faarax Nairobi iyo Cabdirahman Maxamuud Rooble Afdhuub, waxaana saddexdan masuul ay haatan ku xiran yihiin xabsi ku yaalla magaalada Gaalkacyo.

Lama oga sababta ka dambeysa xariga Guddoomiyaha iyo Garsoorayaasha Maxkamadda Ciidammada qalabka sida ee Gobalada Mudug iyo Cayn, Saraakiil kamid ah Hay’adaha ammaanka Puntland oo aan la xariirnay ayaan ka gaabsaday.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.