Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo soo gaba-gabeysa saxida Imtixaanaadka fasalka 8-aad (Sawirro)

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowladda Puntland ayaa soo afmeertay saxiddii imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga asaasiga ah (Hoose/dhexe) ama fasalka 8-aad ee sanad dugsiyeedkii 2019-2020.

Imtixaanka oo ay u fariisteen in ka badan 11 Kun oo arday, ayaa ku dhawaaqistiisa si weyn looga sugayaa degaanada Puntland, maadama aysan arday dhameysatay fasalka 8-aad weli iska diiwaan-galin fasalka 1-aad ee dugsiyada sare.

Agaasimaha Waaxda Imtixaanka ee Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta Sare ee Puntland, Maxamuud Maxamed Siciid (Caynsane), ayaa sheegay in dadaalkii iskaashigii mugga lahaa ee ay sannadkan sameeyeen xafiiska waxbarashada, bah-wadaagta waxbarshada, macallimiinta Puntland iyo guddiyada waaliddiintu tahay tan keentay in guulo waawayn laga gaadho saxidda imtixaanaadka dugsiyada sare iyo Fasalka 8-aad.

Sidoo kale, Agaasime Ceysane ayaa xusay in sannadkan lala jaanqaadayo nidaamka casriga ah ee Online, waxbarashada lagu guulaystayna ay keentay casharrada ku baxay aaladda internet-ka taasi oo uu xafiiska waxbarashada Puntland uu sameeyay shabakad online ah oo laga daalacan karo casharrada imtixaanaadka fasalka 8aad, arday kastaana uu kala socday moobilkiisa, shabakaddaasi oo ah Youtube-ma Wasaaradda.

Ugu danbayntii, Agaasimaha ayaa sheegay, kuna boorriyey dhammaan bah-wadaagta Wasaaradda Waxbarashada Puntland, maamulayaasha waxbarashada gobollada, waaliddiinta iyo ardayda fasalka 8aad in ay u diyaar garoobaan natiijada imtixaanka oo dhawaan la shaacin doono.