Booliska Somaliland oo xabsiga dhigay Kooxda ISMA-DHAANTO

Ciidammada Booliska Maamulka Somaliland ayaa xabsiga dhigay Jilayaasha Kooxda Isma-dhaanto, oo ah dhalinyaro Soomaaliyeed oo saldhigoodu yahay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Dhalinyaradan ayaa Ciidanka Booliska xireen xilli ay caawa qorsheynayeen inay Barnaamiyo madadaalo ah oo ay kamid yihiin Ruwaayado kusoo bandhigaan Magaalada Hargeysa oo dhowaan ay gaareen.

Lama sababta ka dambeysa xariga Kooxda Isma-dhaanto oo ah dhalinyaro is abaabushay oo sameeya Ruwaayadaha, oo aan dhexgalin arrimaha Siyaasadda.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.