Guddiga sare ee Warbaahinta Puntland oo hoggaan doortay (VIDEO)

Guddiga sare ee Warbaahinta Puntland oo maanta doortay Guddoomiye, guddoomiye kuxigeen iyo Xoghaye, doorashadaas oo ku dhacday codayn gacan taag ah ayaa waxa ay ka dhacday xarunta dhexe ee Wasaaradda Warfaafinta.

Guddoomiyaha Guddiga ayaa loo doortay Sumayo C/qaadir Shoole, halka Guddoomiye ku-xigeenka loo doortay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Puntland Maxamed Ciise, waxaana Xoghayaha Guddiga loo doortay Burhaan Axmed Daahir oo ah rugcadaa Saxaafadeed.

Doorashada waxa goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Isgaarsiinta Hiddaha Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Puntland, Mudane Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacadde).