Ugaas Cabdi-Xayi Sh. Ismaaciil oo lagu soo dhaweeyay Garoowe (Sawirro)

Ugaas Cabdi-Xayi Sheekh Ismaaciil Sheekh Cabdirxmaan Afguraye, oo ah Ugaaska Beesha Ibraahim Cumar ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland.

Ugaas Cabdi-Xayi Sheekh Ismaaciil oo kasoo kicintimay Dalka Mareykanka ayaa soo dhaweyntiisa waxaa ka qeyb-galay Nabaddoono, Waxgarad, Aqoonyahano iyo Siyaasiyiin, kuwaas oo Ugaas kusoo dhaweeyay Dalka.

Nabaddoonada iyo Waxgarad ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in maanta uu dalka yimaado Ugaas Cabdi-Xayi, oo muddo dheer uu ka maqnaa.

Ugaas Cabdi-Xayi Sheekh Ismaaciil Sheekh Cabdirxmaan Afguraye, oo Saxaafadda kula hadlay qeybta VIP ee Garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir, ayaa u mahad-celiyay dadkii soo dhaweeyay, isagoona sheegay inay si dhow isku wareysan doonaan.

Ugaas Cabdi-Xayi Sheekh Ismaaciil Sheekh Cabdirxmaan Afguraye, oo ah Ugaaska Beesha Ibraahim Cumar ayaa lagu wadaa in dhowaan lagu caleema-saaro Gobalka Mudug, isagoona qeyb ka noqon doona Isimada Puntland oo laf-dhabar u ah Nabadda iyo Midnimada Dadka reer Puntland.