VIDEO: Guddoomiyaha Gobalka Mudug oo la kulmay Odayaasha D. Jariiban

Wafdi uu hogaaminayo gudoomiyaha gobolka Mudug C/ladiif Muuse Nuur iyo Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Mudug Kornayl Muumin Cabdi Shire ayaa degmada Jariiban ku qabtay shir Wadatashi ah oo looga hadlayey Amniga iyo Hormarka degmada Jariiban.

Shirkaasi ayaa lagu soo bandhigayey Ciidan Boolis ah oo degmada Jariiban loosoo tababaray oo dawlada Puntland sheegtay inay ka shaqaynayaan guud ahaan degmada waxaana taliyaha Qaybta Booliska gobolka Mudug oo hadal kooban ka bixiyey Furitaankii shirkaasi ayaa sheegay in ciidamadan ay shacabku la shaqeeyaan isla markaana ay u xilsaaranyihiin wixii caqabad ah ee ka horyimaada maamulka degmada iyo soo saarista Canshuuraha.

Gudoomiyaha gobolka Mudug C/ladiif Muuse Nuur ayaa dhankiisa wuxu sheegay in degmada Jariiban laga doonayo inay kamid noqoto degmooyinka isku filaanshaha ka gaaray dhanka Canshuuraha wuxuuna gudoomiyaha Carabka ku dhuftay ciidamadan inay ka shaqaynayaan Amaanka guud ee degmada wixii looga baahdo.